Wararka

Ma loo baahan yahay waqtigan in ninku uu yeesho xaasas badan isagoo cadaalad faleynin?…


Waxaan keligay la noolaa hooyaday tan iyo caruurnimadaydi ma aragno aabahay ilaa dhif iyo naadir mooyee, wuxuu waqtigiisa intiisa badan ku qaataa gurigiisa labaad, waxaana dareemayaa nacayb aan u qabo aabahay dabeecadiisa rabshadaha leh awgeed ee uu nagula kaco marwalba, waligay dhabtiisa kuma hurdin, marka uu na soo booqdo wuxuu yahay sidii marti oo kale, anigana waxaan dhowrayaa saacada uu naga tagayo waayo waxaan u adkeysan karin dhaqankiisa iyo rabshadiisa la socoto jir dilka ee nagula kaco mar walba, sidaasi ayey Huda ku sheegtay aabaheed.

“Maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu i geeyay qabuuraha, halkaasoo ku aasan walaalahay dhintay, wuxuu iigu hanjabay in halkaasi la igu aasi doono, haddii aanan shaaca ka qaadin sirta hooyaday iyo waxyaabaha ay ka hadlayso waqtiyada uu maqan yahay, ma iloobi karo daqiiqadahaasi noloshayda oo dhan,” ayay raacisay Huda, oo 17-jir ah.

Gabdhahan qaangaarka ah iyo hooyadeed waxay ku nool yihiin xaalado murugo leh oo ka dhashay maqnaanshaha xaaladaha caadiga ah ee qoyska iyo la noolaanshahooda arrinta ku saabsan guurka xaasaska badan, taas oo ah mid ka mid ah ifafaale xiisa leh oo la xiriira fikradaha iyo shucuurta dad badan, qaar ayaa taageera oo u arka inuu xal u yahay dhibaatada guurka gabdhaha guurka ka daahay iyo sharci ahaanshihiisa dhinaca Islaamka, halka kuwa kale oo ka soo horjeeda ay qabaan in asalka guurka uu yahay hal xaas, taasi oo ah xaalada caadiga ah ee qoyska iyo isku xirnaantiisa, in kasta oo ay sharci tahay guurka xaasaska badan, haddana dhibaatooyinkiisu waxay u muuqdaan kuwo sii xumaanaya oo badanaya, taasoo horseedaysa burburka qoysaska qaarkood.

Huda ayaa waxay ku qeexaysaa “dhibaatooyinka” ka dhex jira aabbaheed iyo hooyadeed, “isagu kuma filna qaadacaadeeda iyo gooynteeda maalmo iyo bilo, laakiin weli wuxuu ugu darayaa garaacid iyo inuu ka jejebiyo alaabada guriga, wuxuu ka qaataa lacagteeda ay ka shaqeysatay shaqooyin gaar ah si aan nolol uga helno una buuxisa dalabaadkeyga.”

Waxay raacisay, “Waxaan had iyo jeer ka codsadaa hooyaday inay iska furto, laakiin kuma dhiirrato inay sidaa sameyso, waxaana laga yaabaa inay ka baqdo inay wax u dhinto wejigeeda – maadaama uu had iyo jeer ugu hanjabo sidaasi – haddii ay maxkamadda u gudbiso codsi rasmi ah, laakiin waan ku daalay nolosha sidan oo kale iyo nolosha lala wadaago qoys kale, waxaan mararka qaarkood isbarbardhigaa naftayda iyo saaxiibbaday, marka aan arko farqiga waxaa igu kordha naceybka aan u qabo aabahay iyo xaaskiisa kale ee uu ka fadli yeelo hooyaday. Sidaasi darteed aniga waxaan ku noolahay musiibo aabahay dartiis, mana ka cafin doono dhibaatada aan ku soo noolaa laga soo bilaabo yaraanteyda ilaa maanta, iyadoo intaas oo dhami jirto, waxaan raacayaa dhamaan tallaabooyinka hooyaday qaado waxaana isku dayayaa inaan ku dadaalo waxbarashadayda si aan nafteyda ugu muujiyo in aan kari karo horumar si ay iigu faraxsanaato. ”

Si xaaladahan jira wax looga tilmaamo ayaa khubarada cilmiga bulshada sheegeen in “xaasaska badani ay ku xidhan tahay dabeecadda bulshada iyo jawiga is dhexgalka qoyska, gaar ahaan bulshada casriga ah ee reer magaalka ah, maaddaama ay jiraan dad badan oo xaasas badan leh hadana aan dhibaato qabin, hadaba arrintu waxay ku xidhan tahay awoodda labada isqaba ay u leeyihiin inay xakameeyaan dhibaatooyinkooda iyo heerarkooda wacyiga iyo ka warqabka cawaaqibka xun ee ka dhalan kara falalkooda guracan, gaar ahaan adduunyadan isbedeleysa ee ay maamusho tikniyoolajiyada isgaarsiinta waxayna saameyn ku yeelaneysaa xasiloonida iyo wada noolaanshaha qoyska.

Baarayaasha ayaa waxay cadeeyeen in “cadaaladu ay aasaas u tahay guusha guurka badan iyo helitaanka qoys wadajira, maadaama dareenka cadaalad darada ah ee ku dhaca gabdhaha qaangaarka ah ay horseedeyso qiil u noqoshada dhaqanka qalloocan, maadaama nolosha gabdhaha qaangaarka ah ay u muuqato mid raqiis ah maxaa yeelay waxay ku sugan yihiin jawi cadaalad darro iyo jahwareer leh, taas oo horseedda kala-jabka qoysaska waxayna ku reebeysaa calaamad, waxayna u horseedeysaa cawaaqib xumo kaasi oo u horseedi kara inay weecdaan oo guriga ka cararaan kuna noolaadaan xaalado adag. “

Marka laga hadlayo dhinaca nafsiga, “Carruurtu waxay dhibanayaal u yihiin guurka labaad ee aabbaha, gaar ahaan gabdhaha qaan-gaarka ah, maxaa yeelay waxay aad ugu xiran yihiin hooyada oo ay difaacaan, halkaasi waxaa ka bilaabanaya neceybka loo qabo aabaha, qoyku wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo oo lagu kala tago, aabuhu markuu awoodi waayo inuu reeraha ku dhaqo cadaalad, wuxuu u jeedsadaa ama u weecdaa inuu adeegsado gacan ka hadal ka dhan ah qoyska.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11751 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: