Wararka

Waare ayaa kula kulmay magaalada Mogadishu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia…


Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Qeybta 27-aad General Axmed Maxamed Tredice waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka Deegaannada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa taliye Odowaa iyo saraakiisha kale ee ka socotay qeybta 27aad kala hadlay xaaladda amniga Hirshabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya (Somalia Transitional Plan) ee xorreynta degaanada Hirshabelle.

Kulankaan looga hadlayay xaalada amni ee degaannada Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weeraro kala duwan ay ka dhaceen degaannada Maamulkaas, isla markaana Madaxda Hirshabeelle ay sheegeen in Shabaab ka yimid Shabeellaha Hoose uu soo galay degaannadooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11787 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: