Wararka

Wiil Soomaali ah oo sameeyey diyaarad macmal ah ayaa dalka Turkiga ka helay fursad…


Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa wiil 17 jir Soomaali ah oo sameeyay diyaarad macmal ah ku casuuntay inuu ka qeyb galo Teknofest, oo ah bandhigga ugu weyn dalkaas ee teknolojiyadda.

Guuleed Cabdi ayaa sameeya gawaari iyo diyaarado macmal ah, isagoo aan heysan qalab badan oo arrintaasi ka caawinaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed ka arkay internetka, wuxuuna kadib ku casuumay bandhiggaas. Wuxuu sidoo kale Guuleed Turkiga ka helay fursad waxbarasho.

Guuleed oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuusan weligiis hore u helin fursaddan oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas.

Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: