Wararka

Wajiga labaad shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa u bilowday Madxda DF iyo…


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u bilowday wajigii labaad shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, kadib markii Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka Labada Aqal ay ansixiyeen heshiiskii jiheynta doorashada.

Shirkan oo xalay u furmay Madaxda ayaa looga hadlayaa sameynta Guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, dejinta jadwalka doorashada, asteynta kuraasta deegaanada doorashada ka dhaceyso iyo arrimo kale.

Qodobada la filayo inay ka hadlaan waxaa ka mid ah sameynta Guddiga xalinta khilaafaadka oo uu soo jeediyay baarlamaanka in lagu daro lifaaqa heshiiska.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda laga soo saaro qodobo ku saabsan jaangoynta doorashada iyo sidii qorshaha doorashada loo bilaabi lahaa horaanta bisha November.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanaya Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale, iyagoo laga wada hadlayay daadejinta doorashada iyo sidii jadwal kama dambeys ah loo sameyn lahaa, si doorashada loo aado.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: