Wararka

Guddi 7 xubnood ka kooban oo qabanqaabin doona doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee..


Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddi Xildhibaano iyo Senataro isugu jira oo qabanqaabada doorashada Xildhibaanada labada aqal ee ku matali doona gobolada Waqooyi.

Warqadan uu Gudoomiyaha Aqalka sare ku magacaabay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa loo kala direy Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda dowlada goboleedyada.

Qoraalkan ayuu guddoomiyaha Aqalka Sare ku xusay in aan lagala tashan xildhibaanada iyo senatarada gobolada waqooyi ka soo jeeda heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii bishii laga soo gudbay ee September.

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah:
Xil. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Guddoomiye
Xil. Maxamed Cumar Carte Guddoomiye k/xjgeen
Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xoghaye
Xil. Maxamed Cabdi Xayir Xubin
Xil. Maxamed Cali Xagaa “
Xil. Jamal Xasan Ismaaciil “
Sen. Cabdirisaaq Axmed Cali “

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: