Wararka

Donald iyo Melania Trump ayaa la sheegay in laga helay cudurka Covid-19 sidaasna ay ku karantiilan…


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo marwada 1aad ee dalkaasi Melania Trump ayaa laga helay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa goor dhow bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in isaga iyo xaaskiisaba laga helay xanuunka, ka dib markii baaris caafimaad ay isku sameeyeen Khamiistii.

Ka hor intii aan xanuunka laga helin ayuu Madaxweyne Trump sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay is karantiileen, wax yar ka dib markii xanuunkaasi laga helay mid ka mida lataliye-yaashiisa aadka ugu dhow.

Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii ololihiisa doorashada u tagay Gobolka Minnesota, waxaana uu fagaaraha ka soo muuqday, isagoo aan af-gashi wadan.

Trump waxaa horey loogu dhaliilay inaanu halisba u arkin xanuunka saf-marka ah ee COVID-19 dadka hortooda laakin hoos ahaan uu u ogyahay, xilli si weyn uu ugu faafaayay dunida oo dhan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: