Wararka

Isku aadka heerka group-yada ee Champions League ayaa isku soo aaday Juventus iyo Barcelona…


Isku aadka kulamada heerka guruubyada ee Champions League ayaa waxaa ka dhashay iska horimaadyo xiisa badan, ka dib markii ay iska group noqdeen kooxo waaweyn.

Kulamada oo bilaaban doona dabayaaqada bishaan, ayaa markhaati laga noqon doonaa iska hor imaad khaas ah oo u dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo ninka ay xafiiltamaan ee reer Argentina, Lionel Messi, iyadoo Juventus ay isku group yihiin Barcelona.

Howsha u taal Real Madrid ayaa noqon doonta mid fudud, maadaama kooxda ugu qaadista badan koobka Yurub ay is arki doonaan Shakhtar Donetsk oo reer Ukraine ah, Inter Milan oo Talyaani ah iyo Borussia Monchengladbach oo Jarmal ah.

Liiska isku naadka group-yada:
Group-ka koowaad
Bayern Munich, Germany
Atletico Madrid, Spain
Red Bull Salzburg, Austria
Lokomotiv Moscow, Russia

Group-ka labaad
Real Madrid, Spain
Shakhtar Donetsk, Ukraine
Inter Milan, Italy
Borussia Monchengladbach, Germany

Group-ka saddexaad
Porto. Portugal
Manchester City, England
Olympiacos, Greece
Olympique de Marseille, France

Group-ka afraad
Liverpool, England
Ajax Amstradam, Netherlands
Atalanta, Italy
Medtjylland fc, Denmark

Group-ka shanaad
Seville, Spain
Chelsea, England
Krasnodar, Russia
Rennes fc, France

Group-ka lixaad
Zenit, Russia
Borussia Dortmund, Germany
Lazio, Italy
Brugge, Belgium

Group-ka toddobaad
Juventus, Italy
Barcelona, ​​Spain
Dynamo Kiev – Ukraine
Ferencvaros, Hungary

Group-ka sideedaad
Paris Saint-Germain, France
Manchester United, England
Leipzig, Germany
Basaksehir, Turkey

Ciyaaraha heerka guruubyada waxay bilaaban doonaan 20 October, barnaamijka cayaaraha wareegan wuxuu noqon doonaa sidan soo socota:

Wareegii koowaad: 20 iyo 21 Oktoobar.
Wareegga labaad: Oktoobar 27-28.
Wareegga saddexaad: Nofeembar 3 iyo 4.
Wareega 4: Nofeembar 24-25.
Wareegga shanaad: Diseembar 1 iyo 2.
Wareegga lixaad: Diseembar 8 iyo 9

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: