Wararka

Al-Shabaab ayaa ku gubay labo baabuur oo dhuxul siday deegaanka Yaaq-Bariweyne ee Gobolka Sh/hoose…


Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay markale inay ka joojiyaan dhuxusha gasha caasimada dalka ee Muqdisho kadib markii ay labo gaadiidka dhuxusha qaada ay ku gubeen deegaanka Yaaq-Bariweyne ee gobolka Sh/hoose.

Labadan gaari oo sida dhuxusha ayaa la sheegay in xilli habeenimo ah lagu joojiyay waddo halkaana lagu gubay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdaasi ay jirdil u geysatay qaar ka mid ah dadkii watay gaadiidkaas, halka qaarna ay ka baxsadeen goobta, iyagoo ka baqaya inay waxyeello soo gaarto.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegatay inay howlgalo ay ka fulisay gobolka Sh/hoose ku dishay saraakiil ka tirsanayd Al-shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: