Wararka

Donald Trump ayaa la sheegay in xalay loo qaaday Isbitaalka Militariga ee Walter Reed…


Sida ay qorayaan warbaahinta, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay loo qaaday Isbitaalka Militariga ee Walter Reed si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19, xilli maamulkiisa iyo ololihiisa doorashadu ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen xaaladdan cusub ee soo korortay.

Qiyaastii 17 saacadood ayaa laga joogaa markii shaaca laga qaaday in madaxweynaha iyo xaaskiisa laga helay cudurka coronavirus.

Markii Isbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday Isbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo Isbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11860 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: