Wararka

Ilhaan Cumar ayaa Trump ku sheegtay inuu si firfircoon u faafinayo Virus-ka halisna ku yahay…


Ilhan Omar ayaa weerar afka ah ku qaaadday madaxweyne Donald Trump ka dib markii laga helay cudurka safmarka COVID-19, iyadoo sheegtay in uu si firfircoon u faafinayo fayraska islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada.

Ilhan Omar oo sheegtay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid-19.

Waxay ku dhalleecaysay maamulka Trump inuu iska indhatirayo hagidda caafimaadka bulshada isla markaana uu cabudhinayo cilmiga lagu xakamaynayo cudurka.

Toddobaadkan, Madaxweyne Trump oo Minnesota ku qabtay isu soo bax iyo lacag ururin, ayaa ku xadgudbay tilmaamaha hagida hay’adaha caafimaadka isaga oo ku guuldaraystay inuu xirto marada afka lagu duubto.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Madaxweyne Trump ayaa markii ay soo baxday natiijadiisa baaritaanka COVID-19 waxaa la geeyay goor dambe oo galabnimadii Jimcaha ahayd Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: