Wararka

RW Rooble ayaa faray hay’adaha kaalinta ku leh arrimaha doorashooyinka inay fuliyaan…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020-2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hay’addaha qaranka ee kaalinta ku leh arrimaha doorashooyinka faray inay fuliyaan heshiiskaan si waafaqsan habraaca lagu heshiiyay.

Waxaa uu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay in ay dalka gaarsiiyo doorasho xallaal ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan hannaanka doorasho si ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

Hadalka Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa yimid xilli uusan weli soo magacaabin xukuumadii ka shaqeyn lahayd fulinta heshiiskaan, inkastoo uu tilmaamay in lasoo magacaabi doono labo guddi doorasho iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in doorashada lagu qaban doono waqtigii la doortay, taasoo ka dhigan in aysan hal maalin dib u dhici doonin.

Dadka arrimaha siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in aysan suurtagal ahayn in doorashada lagu qaban karo waqtigeeda, marka loo eego daruufaha jira awgeed iyo caqabadaha horyaala dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: