Wararka

Dowlada Somalia ayaa shaacisay in dad gaaraya 157 qof laga helay cudurka halista ee Coronavirus…


Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad fara badan oo laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanno ka tirsan dalka.

Sida ay daabacday wakaalada wararka SONNA warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay.

Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaannada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 157 qof uu ku dhacay COVID-19.

Sidoo kale Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in deegaannada maamulka Somaliland laga helay 20 qof, halka G/Banaadir laga helay 2 ruux iyo deegaanada Galmudug oo laga diiwaan-galiyay 1 qof, waxaana dhammaan 157 ee laga helay Cudurka ayaa rag ah 98, halka 59 ay yihiin dumar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: