Wararka

Golaha Wasiirada ee xil gaarsiinta ayaa la faray inay kala tashadaan RW go’aan kasta oo ay…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta inay kala tashadaa Ra’iisul Wasaaraha go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan.

Qoraal loo diray Golaha Wasiirada xilalka sii haya ayaa sidoo kale lagu amray in qoraal walba oo ay soo saarayaan nuqul kamid ah u gudbiyaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ama ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha la tashi kadib.

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in aan la aqbali doonin tallaabo walba oo ka horimaaneysa tilmaamaha kor ku xusan ee ah amarka la faray Golaha Wasiirada Xil-gaarsiinta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11855 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: