Wararka

Dil argagax leh oo toorey loo adeegsaday ayaa lagu dilay haweenay degmada Wadajir ee Mogadishu…


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dil argagax leh uu Maqribnimadii xalay ka dhacay Degmada Wadajir, gaar ahaan halka loo yaqaano Silliga American-ka.

Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa toorey ku dilay Zamzam Cabdiwaaxid Daahir, oo ay kala taggeen 26-kii bishii August ee sanadkan, iyadoo aynaan wax ubad ahi isu dhalin.

Dilka ayaa waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii Zamzam Cabdiwaaxid oo 29 jir ahayd, ay iska diiday inuu dib ugu laabto ninkaasi.

Aabe Cabdiwaaxid Daahir Geelle oo ah aabaha dhalay marxuumadda ayaa sheegay ka hor inta aanu falku dhicin in uu u yimid ninkaasi, isla-markaana uu u sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto gabadhiiisa, ha yeeshee uu weydiiyay inay gabadha ogoshahay iyo in kale, Salaaddii Maqribka ka dibna uu maqlay dilka gabadhiisa.

Amran Abshir Cabdi oo ah sideed jir ay dhashay marxuumadda ayaa sheegtay inay arkeysay markii uu ninkaasi tooreyda la dhacaayay hooyadeed, isla-markaana ay ka carartay, markii uu xageeda soo jaleecay.

Ciidamada Booliska ee Degmada Wadajir ayaa daqiiqado ka dib falkaasi gacanta ku soo dhigay dembiilaha, kaasoo iminka ku xiran Saldhiga Booliska ee degmadaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12220 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: