Wararka

Shir looga hadlayo arrimaha doorashada Somalia iyo sidii loo xaqiijin lahaa amaanka ayaa ka soconaya…


Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaa Xalane ka soconaya shir looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka socda beesha caalamka, sida uu baahiyay raadiyaha Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu lafa-gurayo ayaa waxaa kamid ah arrimaha sugidda amniga goobaha doorashooyinka iyo sidii ciidamada Soomaaliya ay dowrkaas u qaadan lahaayeen.

Soomaaliya ayaa hadda u jiheysatay dhabbihii doorashada, sida uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda dhexe iyo maamullada Federaalka ee qeybta ka ah ayaa ku heshiiyay dhowaan in Soomaaliya ay gasho doorasho dadban.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: