Wararka

Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa Isbitaalka si uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa…


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa Isbitaalka si uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka Isbitaalka lagu daaweynayay.

Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska.

Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka corona waxaana laga yaaba in Maalinta Isniinta Isbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah.

Dr Sean Conley ayaa sheegay in hoos u dhacday markii labaad heerka nefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo dexamethasone.

Madaxweynaha ayaa lagu xiray qalabka lagu nefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka Corona laga helay, waxaa sidaasi yiri Dr Conley oo fahfaahin ka bixinayay hadallo su’alo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu u sheegeen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay ” wax badan ayaan ka bartay cudurka Covid.Iskool ayaan u galay, tani waa xaaladda dhabta ah ma aha wax bugaagta laga dheehan karo, wuu igu dhacay waana fahamsanahay, waa wax la yaab leh. Marka aniga ayaa idinkaga dhici doona qisada” ayuu Trump ku qoray Twitterkiisa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: