Wararka

Wafdi uu hogaaminayo RW Somalia ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait si ay uga qeyb…


Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay gaaray dalka Kuwait.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Magaalada Kuwait ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa dalkaasi u tagay, sidii uu uga qaybgeli lahaa tacsida Amiirkii Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah, oo toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa mudada uu ku suganyahay dalkaasi waxaa lagu wadaa inuu kula kulmo Amiirka cusub ee Kuwait iyo mas’ uuliyiinta kale ee dalkaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu Rooble ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha Shacabka, 23-kii bishii September.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: