Wararka

Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa ansixiyey xeerka guud ee doorashooyinka S/land…


Mudanayaasha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa Maanta oo tallaado ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday hal ajende.

Kulankii Golaha Guurtida inta uu socday ayaa waxaa looga dooday ansixinta Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 53 Xildhibaan.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ansixiyay Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland, waxaana ogolaatay ansixintiisa 49 Mudane, laba Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Xeerka doorashooyinka ayaa waxaa maalmo kahor ansixiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo haatan uu xeerkaas u gudbayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: