Wararka

Itoobiya ayaa diiday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Wabiga Nile oo mushkilad…


Itoobiya ayaa diiday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile, sida laga soo xigtay website gaar loo leeyahay.

Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa barta Reporter u sheegay in wada tashi ay la sameeyeen waaxda ammaanka kadib la joojiyay in diyaarado ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz [waqooyi-galbeed Itoobiya] halkaas oo ah meesha laga dhisayo biyo-xireenka,” ayaa lagu sheegay warbixinta website-ka.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa alaabta aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayaa loo oggolaan doonaa.

Madaxa Waaxda duulimaadyada rayidka ee dalka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in wax iska caadi ah ay tahay in Itoobiya ay mamnuucdo duulimaadyada dulmara mashaariicda waawayn .

Dowladda Itoobiya ayaa mashruuca biya xireenkani oo ay ku baxayso $4.8bilyan u aragta mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaheeda.

Balse waxaa muran xooggan u mashruucan ka dhex dhaliyay dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Saddexdani dal oo dhamaantood wadaaga Wabiga Nile ayaa u arka in biya xareenkani wayn uu yareynayo biyaha ay isticmaalaan.

Saraaiisha sarsare ee Militariga dalka Itoboobiya oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidamada cirka Maj-Gen Yilma Merdasa ayaa horey u sheegay in ay difaaci doonaan biya xireenka haddii la soo weeraro.

Hadalkaasi waa calaaamd muujinaysa sida uu mashruucani uu muranka uga dhaliyay gobolka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: