Wararka

Labo nin oo ku eedeysan qafaalashada gabdhaha yar yar ayaa laga soo qabtay degmada Afgooye…


Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ayaa waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo ku eedeysan iney qafaashaan gabdhaha yar yar, kadibna ay ku wareejiyaan shabakad carruurta ka ganacsatada.

Labada nin ee la qabtay oo ah rag dhalinyaro ah ayaa la sheegay in lagasoo xeray boosteejada gaadiidka degmada Afgooye, xilli ay ku howllanaayeen iney soo wadaan gabar yar oo waayadii dembe la waysanaa.

Ciidamada amniga degmada Afgooye oo hadda saldhigga ku hayo raggaan ayaa waxay sheegeen in wareysi hor-u-dhac ah oo ay ka qaadeen ay ku qirteen iney ka shaqeynayeen qafaalashada carruurta, gaar ahaa gabdhaha yar yar, iyaga oo u gacan geliya shabakad ay la shaqeeyaan, waxayna tilmaameen in halkii cunug ay ku qaataan lacag dhan $500.00 {Shan boqol oo dollar}.

Soomaaliya, waxaa bilihii ugu dembeeyay kusoo noqonayay waayitaanka carruurta, waxayna dad badan sheegayeen iney jiraan shabakado abaabulan oo arrimahaan ka shaqeysta.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11858 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: