Wararka

Tottanham oo Man Utd uga badisay 6-1 ayaa loo tirinayaa kooxaha ku guuleysan kara horyaalka…


Heerkii aadka u sareeya ee ay muujisay Tottenham kadib markii ay Manchester United ku xaaqday 6-1 ciyaartii hoyaalka Ingriiska ee dhacday Axadii la soo dhaafay ayaa keentay su’aal ku saabsan waxa ka dhiman kooxda inay ku guuleysato horyaalka Ingriiska, kaasoo ka maqnaa khasnadeeda muddo ku dhow 60 sano, gaar ahaan marka la fiiriyo heshiisyada cusub ee ay kooxdu soo gabagabeysay.

Tottenham ayaa aheyd xilli ciyaareedkii 1960-61 markii ugu dambeysay ee ay ku guuleysato horyaalka, isla markaana aan ku guuleysan wax koob ah tan iyo markii loo caleemo saaray koobka FA Cup sanadkii 2008 – hadda waxay dib ula soo noqdeen weeraryahankoodii reer Wales Gareth Bale oo laga soo amaahday Real Madrid, sidoo kale waxaa lagu soo xoojiyey kooxda​​laacibiinta kala ah Sergio Reguilon, Matt Doherty iyo Pierre Emile Hojbjerg iyo Carlos Vinicius.

Tababarihii hore ee Tottenham Harry Redknapp ayaa xaqiijiyay suurtagalnimada in kooxda loo caleemo saaro Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo xusay in kooxda uu tababaraha u yahay Jose Mourinho ay khatar ku abuuri doonto koox kasta xilli ciyaareedkan iyadoo looga mahadcelinayo kooxda uu haatan haysto, taasoo ka dhigeysa inuu si dhab ah ugu tartami karo horyaalka.

Redknapp, oo hogaaminayay Tottenham intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2012, ayaa yiri, “Waxaan u maleynayaa in Tottenham ay gali doonto xeyndaabka kooxaha loo tirin karo in ay ku guuleysan karaan horyaalka xilli ciyaareedkan.”

“Wuxuu leeyahay ciyaartooy buuxin kara boosaskooda kadhig xagga weerarka waxaa u jooga Son Heung-min, Harry Kane iyo Gareth Bale. Fiiriya gudaha kooxda, waxaa ka buuxa laacibiin khadka dhexe ah, heerka daafaca wuxuu ku leeyahay labo gadaal midig iyo labo gadaal bidix.”

“Tottenham waxay khatar ku tahay koox kasta oo ka ciyaarta horyaalka sanadkan” ayuu yiri Redknapp.

Tottenham oo 6-1 ku xasuuqday Manchester United Axadii – ayaa soo laaban doonta ka dib ciyaaraha qaramada iyagoo ku wajahayi doona West Ham gurigooda 18ka Oktoobar.

Tottenham ayaa hadda ku jirta kaalinta 6aad ee kala horeynta iyadoo ciyaartay afar kulan, waxayna leedahay 7 dhibcood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11860 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: