Wararka

Trump ayaa xalay dib ugu noqday Aqalka Cad kadib markii uu dareemay xaalad wanaagsan.


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu noqday Aqalka Cad habeenkii Isniinta, ka dib markii markii uu ka soo baxay Isbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland.

Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca Twitter-ka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay virus-ka ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 kun oo ruux oo Maraykan ah. Waxa intaas u dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xirneyn waji daboolka.

Ka dib markii dayuuraddii waday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas ku sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.”

Trump ayaa sheegay inuu dib u bilaabayo ololihiisa doorashada iyadoo muddo ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Maraykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: