Wararka

Biden ayaa sheegay in aanan la qaban doodda qorsheysan haddii weli Trump cudurka hayo…

Democratic presidential candidate former Vice President Joe Biden speaks at a campaign event at the William "Hicks" Anderson Community Center in Wilmington, Del., Tuesday, July 28, 2020.(AP Photo/Andrew Harnik)

Maalin kadib marki uu kasoo baxay Isbitaalka madaxweyne Donald Trump ayuu sheegay in uu qorsheynayo ka qeybgalka doodda labaad ee uu la yeelanayo musharraxa xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Qoraal uu maqribnimadi xalay soo dhigay bartiisa Twitter ayuu madaxweyne Trump ku sheegay, inuu dhowrayo ka qeybgalka doodda 15-ka bishan ka dhici doonta magaalada Miami ee gobolka Florida, taasoo uu ku tilmaamay in ay noqon doonto mid weyn.

Trump ayaa Khamiisti hore ku dhawaaqay inuu haleelay cudursidaha coronavirus ee keena xanuunka Covid-19, Jimcihii ayaa loo qaaday Isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaaladan Washington, hase yeeshee Isniintii ayuu kaso baxay kadib marki ay dhaqaatiirtiisa sheegeen inuu wanaagsan yahay.

Ururka soo qaban qaabiya doodaha madaxtinimada Mareykanka oo ah hey’ad madax bannaan ayaanan wali ka jawaabin hadalka kasoo baxay madaxweynaha, maadaama Hey’adda Dowladda Mareykanka ugu qaabilsan ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee CDC horay u sheegtay, in qofki qaada xunuunka uusan bulshada soo dhexgali Karin muddo u dhaxeysa 10 illaa 20 maalmood.

Dhanka kale, musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada, Joe Biden ayaa xalay wariyaasha u sheegay, in aanan la qaban doodda qorsheysan in ay dhexmarto isaga iyo Trump, haddii madaxweynaha uu wali xilligaasi yahay mid qaba xanuunka covid-19.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: