Wararka

Dowlada Somalia ayaa beenisay in la sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo ay…


Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in la sii daayay labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba oo maanta saxaafada ay baahisay.

Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay Laanta afka soomaaliga ah ee VOA inaysan Dowlada Soomaaliya aysan sheegin in la sii daayay labadan dhakhtar.

Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP ayaa maanta shaaciyay sii deynta labadan dhakhtar iyagoo xusay inay ka soo xigteen sarkaal ka trisan Dowlada Soomaaliya.

Labadan dhakhtar ee lagu sheegay in la sii daayay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez waxana ay ka mid ahaayeen illaa boqol dhakhaatiir u dhalatay dalka Cuba oo ka howlgalayay dalka Kenya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: