Wararka

Wasaaradda Shaqada ayaa amartay in hubin amni lagu sameeyo dhammaan shaqaalaha dowlada…


Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa amartay in hay’adda nabad sugida ay hubin amni ku sameyso dhammaan shaqaalaha Dowlada.

Tallaabadaan oo ah mid aan horey u dhicin, ayaa lagu sheegay in looga golleeyahay sidii looga hortagi lahaa wax kaste oo khatar ku ah amniga guud.

Hay’adda nabad sugida ee NISA ayaa shaqaale kasta goobtiisa shaqo ugu tagi doonta, si loola yeesho wareysi amniga ku saabsan, waxaana wasaaraddu sheegtay in laga maarmay in shaqaalaha loo diro xabsigii hore Jillacow, si halkaasi loogu soo baaro.

Lama oga ujeedada xilligan kusoo beegtay go’aankaan, hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn ka qabta in shaqaalaha Dowladda ay ku jiraan shakhsiyaad katirsan ama u shaqeeya Al-Shabaab.

Haatan waxaa xabsiyada dowladda ku jira shaqaale dowladdeed oo la shaqeeya Al-Shabaab, kuwaas oo la wadaagi jiray xogta iyo macluumaadka dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: