Wararka

AUN R/Wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif Galeyr ayaa ku geeriyooday magaalada Jijjiga ee…


Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Soomaalida.

Cali Khaliif ayaa horey usoo noqday Ra’iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya sannadkii 2000, sidaas oo kale wuxuu soo noqday madaxweynihii Khaatumo State oo mar laga dhisay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Marxuum Cali Khaliif Galayr ayaa ku dhashay Laascaanood qiyaastii 1941-dii, isagoo ku geeriyooday da’ada 78sano jir.

Lama oga waxa sababay geeridiisa, balse waxaa la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay howlo caafimaad u joogay magaalada Jigjiga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: