Wararka

Britain ayaa muujisay rabitaankeeda inay heshiis la gaarto Midowga Yurub bartamaha Bishan…


Britain ayaa waxay muujisay rabitaankeeda ah inay heshiis la gaarto Midowga Yurub bartamaha bishan oo ku saabsan xiriirka mustaqbalka wixii ka dambeeya Brexit, laakiin sidoo kale waxay “diyaar u tahay” fashilka suurtagalka ah ee gorgortanka ganacsiga ee u dhexeeya labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu u xaqiijiyey Madaxweynaha Golaha Yurub, Charles Michel oo kula xiriiray khadka taleefanka Arbacadii, “sida cad ee ay uga go’an tahay” inuu heshiis la gaaro, taa badalkeedana, Boqortooyada Ingiriiska waxay diyaar u tahay inay soo afjarto xilliga kala guurka iyada oo aan heshiis la gaarin haddii ay dhacdo in wadahadalada socda ee lagu dhameystirayo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub aysan miro dhalin, sida lagu sheegay Bayaanka Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska.

Britain waxay ka baxday Midowga Yurub 31-kii Janaayo, laakiin waxay ku sii jiri doontaa shuruucda Yurub illaa 31-ka December ee sanadkan, xilligaasna waa marxalada kala guurka ah oo London iyo Brussels ay rajeynayaan inay gaaraan heshiis ganacsi oo xukuma xiriirkooda mustaqbalka.

Haddii labada dhinac is afgaran waayaan, qaadacaadda degdegga ahi waxay uga sii dari kartaa dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta dalal badan oo horeyba ugu daalay aafada cudurka coronavirus.

Wadahadaladii u dhexeeyey Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa dib uga bilaabmay magaalada London Arbacadii, iyagoo rajeynaya inay miro dhalaan wadahadalada dhamaadka bisha Oktoobar, inkasta oo horumar kooban ilaa hadda la diiwaan geliyey

Waxaa loo qorsheeyay in la sii wado wareeggan wada xaajoodka ah ilaa Jimcaha, markaasoo kulan uu dhex mari doono madaxa gorgortanka Midowga Yurub feylka Brexit Michel Barnier iyo dhigiisa Ingiriiska David Frost, sida laga soo xigtay ilo yurub ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: