Wararka

Ciidamada Dowlada ayaa ka baxay deegaanada ka xiga galbeedka magaalada Balcad iyadoo dib…


Ciidamada Dowlada ayaa isaga baxay deegaanada ka xiga dhinaca galbeed magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo dagaalamayaasha Al Shabaab ay dib ugu soo laabteen deegaanadaas.

Deegaanada ay ka baxeen ciidamada dowlada ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Basra, Daniga Baalow, Buulo Kuunto, Walamoy iyo qaar kale.

Ciidamada Dowlada ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka wadeen deegaanada dhinaca Galbeed ka xiga degmada Balcad iyadoo mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen ay ka qabqabteen dhalinyaro lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Magaalada Balcad ayaa u jirta illaa 30km magaalada Muqdisho caasimada dalka waxaana horey dhowr jeer u soo weeraray dagaalamayaasha Al Shabaab, waxayna wararkii u dambeeyay ee ka imanaya degmadaas ay sheegayaan inay jirto cabsi xoog leh oo soo wajahday dadka ku nool aagaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: