Wararka

Diyaarado loo maleynayo in ay yihiin kuwa Kenya ayaa duqeyn ka geystay tuulooyin hoos taga Gedo…


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaarado loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay ka geysteen tuulooyin hoos taga Gobolka Gedo oo sababay dhimasho iyo dhaawac .

Tuulooyinka la duqeeyay ayaa waxay ka tirsanyihiin deegaanno hoostaga degmooyinka Garbahaarey iyo Beled-xaawo, sida qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ay u sheegeen bulshada deegaanka.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable waxaana lagusoo warramayaa iney duqeymahaas ku dhinteen dad rayid ah oo xoola dhaqato ahaa, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta la ogyahay duqeynta waxaa ku dhintay hal ruux, afar kalana way ku dhaawacmen, waxaa sidoo kale lagu laayay xoolo badan .

Maalmihii ugu dembeysay ciidamada Kenya waxay duqeymo ka geysanayeen Gobolka Gedo, waxayna waxyeello badan kasoo gaartay dad badan, iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyay iney si bareer ah u dileen dhowr qof xoolaley ahaa maalmo ka hor.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: