Wararka

Guddi baaritaan ah ayaa loo magacaabay sababta geerida R/wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif…


Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar), ayaa sheegay inuu magacaabay guddi baaritaan oo eegaya sababta ka dambeysay geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigjiga welina lama shaacin sababaha uu u geeriyooday. Geeridiisa ayaa aad looga dareemay Soomaaliya oo idil.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu magacaabay guddi u xilsaaran baadhitaanka habka geerida marxuum Prof. Cali Khaliif galaydh, kahor intaan la aasin.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, lama oga inuu xanuunsanaa iyo in kale. Qoyskiisa ayaa laga sugayaaa inay bixiyaan macluumaad ku saabsan halka lagu aasayo.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay marxuumka inuu ku yaqaanay inuu ahaa Siyaasi Rugcadaa, wadaniya, jecel horumarka Soomaalida.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: