Wararka

Ninkii booliska ahaa ee dilay George Floyd ayaa laga sii daayay xabsiga kadib markii uu bixiyey…


Derek Chauvin oo (44-jir) ah oo ah ninkii booliska ahaa ee gacantiisa ku dilay George Floyd ayaa xalay laga sii daayay xabsiga kadib markii uu bixiyay lacag madaxfurasho ah oo lagu xukumay.

Lacagtan oo gaareysay hal milyan oo dollar ayaa lagu soo warramayaa in shalay oo arbaca ah la bixiyay.

Shuruudda ku xiran siideyntiisa ayaa waxaa ka mid ah in la heli karo markii loo baahdo iyo in haddii maxkamadda looga yeero uu tagayo.

Bisha Maarso ee sannadka soo socda ayaa loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda kiiskan.

Darek ayaa waxaa dilka George Floyd kula eedeysan saddex askari oo kala kuwaas oo kala ah J. Alexander Kueng ,Thomas Lane iyo Tou Thao waxaana saddexda kale horay iyana loogu siidaayay lacag madaxfurasho ah oo gaareysa min 750-kun oo dollar.

25-kii bisha Maarso ee sannadkan ayay aheyd markii uu ka dhacay magaalada Minneapolis dilka ninkan madow ee George Floyd kaas oo ka dhaliyay dalka Mareykanka dibedbaxyo rabshado wata.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: