Wararka

Shir looga hadlayey arrimaha ammaanka iyo hawlgal ka dhan ah al-Shabaab ayaa lagu qabtay…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyeyaasha Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Saraakiil kale, waxaana looga hadlay arrimaha ammaanka, dardargelintooda iyo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Isaaq Cali Subag, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo shirka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirka lagu dhageystay warbixino ay soo gudbiyeen Taliyeyaasha Ciidamada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu soo hadal qaaday dhulka ay go’doominta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in go’aan lagu gaaray in hawlgal loogu dhaqaaqo, si go’doominta looga saaro.

Wasiir Subag ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Lafta-gareen uu amray in cadowga laga dulqaado deegaanada Koonfur Galbeed, ee ay go’doominta ku hayaan, sidoo kalana la dardargeliyo hawlgalada amniga lagu xaqiijinayo.

Deegaanada Koonfur Galbeed ee go’doominta adag lagu hayo waxay intooda badan ku kala yaallaan Gobolada Bay & Bakool.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11750 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: