Wararka

Xisbi uu madax ka yahay Sh. Mukhtaar Roobow ayaa soo dhaweeyey in xisbigooda loo diiwaangeliyo…


Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa soo dhaweeyay in Xisbigooda loo diiwaangeliyo Xisbi Kmg ah.

Xisbiga Cadaaladda & Amniga oo uu hoggaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa shalay ka mid noqday shan Xisbi, oo ay shahaadada guddoonsiiyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xisbigan ayaa shahaadada la guddoonsiyay, xilli Sheekh Mukhtaar Roobow Cali uu tan iyo bishii December ee sanadkii 2018 ku xiranyahay Magaalada Muqdisho.

Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay Radio Kulmiye, lana weydiiyay goorta ay tahay in xabsiga laga soo sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inuu xarigiisu ku egyahay maalinta uu xilka ugu egyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Xariga Sheekh Mukhtaar Roobow wuxuu ku egyahay 7, February 2021, waa maalinta Madaxweyne Farmaajo uu ku egyahay muddo xileedkiisa, dadkuna waa inay taa ogaadaan.” Ayuu yiri Yuusuf Xasan.

Yuusuf Xasan ayaa qaba in sifo aan sharci ahayn uu muddo laba sano ku dhow ku xiran yahay Abuu Mansuur, oo horey uga soo goostay Ururka Al Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 laga soo xiray Madaxtooyada Baydhabo, xilli uu socday ololaha doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.

Toddobaadkii xigay oo taariikhda ku beegneyd 19-kii December, doorasho ka dhacday magaaladaasi ayaa xilka loogu soo doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Waxaa horey u guuldareystay dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeedda Koonfur Galbeed, oo lagu doonaayay in xabsiga looga soo sii daayo Abuu Mansuur.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: