Wararka

13 qof ayaa lagu eedeeyey in ay maleegayeen afduubka Gretchen Whitmer barasaabka gobolka Michigan ee…


Waxaa la Xiray 13 qof oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afduubka Gretchen Whitmer, barasaabka gobolka Michigan ee Mareykanka, ayna rabeen in ay weeraraan xarunta baarlamaanka gobolka iyo booliska, taasi ayaa waxay iftiimisay ifafaalaha maleeshiyooyinka, kuwaasi oo nidaamiya doorkooda qoraallo dastuuri ah oo Mareykanku xurmeeyo.

Waraaqaha dacwadaha ciqaabta ah ee FBI-da u gudbisay maxkamadda federaalka waxay muujisay xiriirka eedaysanayaashu la leeyihiin maleeshiyo loo yaqaan “Wolverine Watchmen”, sida uu sheegay website-ka Axios.

Kadib markii ay mas’uuliyiintu ku dhawaaqeen shirqoolka la fashiliyey khamiistii ayaa gudoomiyaha gobolka Michigan shir jaraa’id ku sheegtay in diidmada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku cambaareynayo kooxaha xagjirka ah ee cadaanka ah ay dhiiri galinayso ficiladaasi.

Bishii April ee la soo dhaafay, Trump wuxuu soo daabacay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaas oo uu ku muujiyey taageerada uu u hayo mudaaharaadyada looga soo horjeedo tallaabooyinka xukuumadda Dimoqraadiga ee Michigan ay ku doonayso inay ku xirto gobolka si looga hortago aafada Corona, Trump ayaa wuxuu qoray “Free Michigan”, xilli xubno maleeshiyo ah ay ku meeraysanayeen waddooyinka Lansing, caasimadda gobolka, iyagoo wata qoryahooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: