Wararka

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Nobel Peace Prize…

FILE PHOTO: A bronze bust of Alfred Nobel is pictured before the Nobel Prize ceremony at Stockholm Concert Hall, in Stockholm, Sweden December 10, 2019. TT News Agency/Claudio Bresciani via REUTERS

Sanadkan Nobel Peace Prize ayaa la guddoonsiiyey Barnaamijka Cuntada Adduunkka (World Food Programme), waxaana la sheegay in ay ku muteysatay sida ay ula dagaalameyso gaajada iyo ka qeyb qaadashadeeda xaaladaha ammaanka goobaha aafeysan.

Guddiga Nobel-ka ayaa Jimcaha maanta u gartay in WFP ay aheyd hey’ adda dhaqaajisay in ay ka hortagto gaajada oo ah hubka dagaalada iyo iska horimaadyada iyo degenaan la’aanta.

WFP ayaa la dhisay sanadkii 1961, maanta waxay cunno siisaa 90 million oo qof sanadkii.

Guddiga Nobel-ka ee Norwegian-ka ayaa sheegay baahida loo qabo is barbar taag iyo wax wada qabsi. Waxay sheegeen in isha loo weeciyey millions-ka dadka ah ee la il daran xaaladaha gaajada.

Dadka ku nool tuulooyinka qaar ayaa cuntada looga daadiyaa diyaarado Koonfurta Sudan sida tuulada Ayod, taasi oo ay fulisay hey’ adda WFP bishii February 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: