Wararka

Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM oo isku raacay in la qaado howlgal ka dhan ah al-Shabaab…


Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee howl-galka nabad-gelyo u jooga dalka ee AMISOM ayaa isku raacay howl-gal ballaaran oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya iyo taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Cabbaas Amiin Cali ayaa isku raacay in kor loo qaado dagaallada ka dhanka Al-Shabaab, sidoo kale la ballaariyo iskaashiga labada dhinac ee AMISOM iyo Ciidamada Dowladda.

Mr. Ndegeya iyo taliye Cabbaas Amiin ayaa isku raacay in la dhiso unug gaar ah oo shaqadan isku wada, taas oo sida hadalka loo dhigay loo arkay iney leedahay muhiimad gooni ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dagaal kula jiraan Al-Shabaab, waxayna horay ula wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay horay Al-shabaab u maamulayeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: