Wararka

Guriga xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu tuug u dhacay oo ka xaday…


Guriga xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa tuug u dhacay xilli uu ka qeyb galayay ciyaar saaxiibtinimo oo caalami ah oo ay la yeesheen Spain, taasoo la qabtay fiidnimadii Arbacada isla markaana ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah.

Saxaafada maxalliga ah ayaa soo warisay in shaqaale dayactir ka sameeyay guriga ku yaal jasiiradda Madeira, halka uu ku dhashay xiddiga Juventus, laguna qiimeeyay $ 9 milyan, ayaa laga tagay albaabka garaashka oo furan, sidaasina waxaa halkaasi ka soo dusay tuug wuxuuna xaday alaabo qaas ah, oo ay ku jiraan maaliyadda Juventus ee uu saxiixay Ronaldo.

Wargeysyada maxalliga ahna waxay qoreen in booliska Bortuqiiska ay aqoonsadeen tuugga, kaasoo ay duubeen kaamirooyinka ilaalada ee ku baahsan hareeraha guriga ayna doonayaan inay soo xiraan.

Ronaldo ayaa iibsaday gurigan oo ka kooban 7 dabaq sanadkii 2015, halkaas oo hooyadiis, Dolores iyo walaalkiis ka weyn Hugo, ay si joogto ah u degenaayeen, halka Ronaldo uu ku soo noqnoqon jiray halkaasi inta lagu jiro nasashada dheer ee kulamada.

Gurigu wuxuu ku yaalaa meel qurux badan oo eegesya badda, waxaa u sii dheer labo barkadood oo lagu dabaasho oo leh cabirkada Olombikada, Jacuzzi iyo garoon kubbada cagta ah, ka dib dib-u-habayn 4-sano socotay oo loogu talagalay raaxada qoyska Ronaldo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: