Wararka

Lionel Messi ayaa ku hogaamiyey kooxda qaranka Argentina inay ka badiyaan Kooxda Equador…


Lionel Messi ayaa ku hogaamiyay xulka qaranka Argentina guul qaali ah oo 1-0 ay ka gaareen Ecuador bilowgii isreebreebka Koofurta America ee Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, halka Uruguay ay 2-1 kaga badisay Chile.

Ciyaarta ayaa ka dhacday garoonka caanka ah ee Lapomoponera stadium ee caasimada Argentina, Buenos Aires, Messi ayaana dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta daqiiqadii 13-aad oo gool ku laad aheyd ama rigoore.

Dhinaca kale Ciyaartii kale ee Uruguay iyo Chile oo aad u kululeed ayaa Uruguay waxay fursad heshay waqtiga dhimashada oo gool u dhaliyay Maximiliano Gómez, Uruguay ayaa ka badbaaday barbaro ay gurigeeda kula galaan Chile waxayna ciyaarta ku dhamaatay 2-1.

Luis Suarez ayaa dhaliyay goolkii ​​ugu horeeyay ee Uruguay kadib rigoore ay heleen kooxda daqiiqadii 39-aad, Alexis Sanchez ayaa u barbareeyay Chile daqiiqadii 55-aad, taasoo xaalada uga sii dartay ilaa goolka guusha dhimashada laga dhaliyay.

Isreebreebka Koofurta Ameerika waxaa laqaban doonaa iyadoo ay kaqeyb galayaan tobanka koox ee qaarada kajira nidaamka horyaalka, kooxaha afarta boos ee ugu horeysa waxay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka, halka kooxda shanaad ay ciyaareyso isreebreebka muhimka ah si ay ugu soo baxdo Koobka Adduunka waxay la kulmeysaa mid ka mid ah kooxaha qaaradaha kale.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11750 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: