Wararka

Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyey xabad joojin ku meel gaar ah dagaalkii labada dal…

MOSCOW, RUSSIA - OCTOBER 9, 2020: Azerbaijan's Foreign Minister Jeyhun Bayramov, Russia's Foreign Minister Sergei Lavrov, and Armenia's Foreign Minister Zohrab Mnatsakanyan (L-R) hold trilateral talks at the Russian Foreign Ministry's Reception House on the Nagorno-Karabakh situation. Russian Foreign Ministry Press Office/TASS Ðîññèÿ. Ìîñêâà. Ìèíèñòð èíîñòðàííûõ äåë Àçåðáàéäæàíà Äæåéõóí Áàéðàìîâ, ìèíèñòð èíîñòðàííûõ äåë ÐÔ Ñåðãåé Ëàâðîâ è ìèíèñòð èíîñòðàííûõ äåë Àðìåíèè Çîãðàá Ìíàöàêàíÿí (ñëåâà íàïðàâî) âî âðåìÿ ïåðåãîâîðîâ ïî ñèòóàöèè â Íàãîðíîì Êàðàáàõå Äîìå ïðèåìîâ. Ïðåññ-ñëóæáà ÌÈÄ ÐÔ/ÒÀÑÑ

Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay xabad joojin ku meel gaar ah ka dib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kadib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay halka kumanaan ay guryahoodii ka barakeceen tan iyo markii ay bilaabatay shaqaaqadii ugu dambeeysay ee 27-kii bishii September.

Xabadda joojinta ayaa bilaaban doonto maanta barqada si ay u suurogasho in la is weydaarsado maxaabiista iyo in la gurto meeydadka dadkii ku dhintay gulufkii labad toddobaad socday ee dhexmaray Armenia iyo Azerbaijan

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan – waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti – waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraaday.

Ruushka ayaa qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: