Wararka

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageerada doorashooyin xor iyo xalaal ah…


Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay taageerada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Afrika.

Dowlada Maraykanka waxay sheegtay tallaabooyinkaan oo la qaado inay muhiin u yihiin difaacayaasha dimuqraadiyadda, waxayna ugu yeertay in dhamaan dhinacyadu ay si nabad ah uga qaybqaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Cadaadis iyo cagajugleyn boos kuma lahan dowladaha dimuqraadiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Dowlada Maraykanka waxay si cad u sheegtay inay si dhow ula socon doonto ficilada shaqsiyaadka faragalinta ku haya geedi socodka dimuqraadiyada ayna ka labalabeyn doonin in ay ka qaaddaan tallaabooyin cawaaqib xumo ah oo ay ku jiraan in laga xaddido fiisaha kuwa mas’uulka ka ah rabshadaha doorashooyinka.

Dalalka uu Maraykanku farriinta udirayo waxaa kamid ah Somalia oo isku diyaarinaysa doorashooyin qaran.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12169 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: