Wararka

Meydka AUN marxuum Cali Khaliif oo laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Mogadishu…


Meydka Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr ayaa goordhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo haatan ay socoto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda Dowladda Federaalka.

Meydka Marxuum Cali Khaliif ayaa dadka soo dejinayay waxa ay xirnaayeen qalabka loogaga hortago cudurka Covid-19.

Lama oga in baaritaan lagu sameyn doono meydka marxuumka iyadoo saraakiil ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay sheegeen inuu u dhintey cudurka Covid-19.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la filayay in Meydka Marxuum Galeyr la keeno Muqdisho, hayeeshee dib ayaa loo dhigay, xili qoyskiisa ay dalbadeen in baaritaano kale lagu sameeyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: