Wararka

Banaanbax looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ka dhacay…


Banaanbax looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu jiray dhalinyaro, dad waaweyn iyo waliba qaar ka mid ah ardayda iskuuleyda oo la arkayay iyagoo xeran dareeska waxbarashada.

Banaanbaxayaashan ayaa socod dheer ku marayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Beledweyne iyago ku qeylinaayay erayo ay ka mid ahayeen Hirshabelle dooni meyno.

Dibadbaxaan maanta ka dhacay Beledweyne ayaa imaanaya xili hanaanka doorasho ee Hirshabellada cusub walaac xoogan laga muujinaayo.

Ugu dambeyntii Beledweyne mahan mid ku cusub banaanbaxyada noocaan oo kale ah waxaasa xusid mudan afar sanno ka hor sidaan oo kale markii la dhisayay Hirshabelle in reer Beledweyne ay sameeyeen banaanbaxyo is daba joog ah oo ay kaga soo horjeedeen dhismaha Hirshabelle waloow banaanbaxyadaasina aysan keenin wax natiijo ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: