Wararka

Ciyaarihii Tennis-ka ee Ragga iyo Hablaha ee Roland Garros oo lagu kala baxay, iyadoo Nadal iyo Iga…


Ciyaartii Tennis-ka ee Roland Garros ee lagu qabtay magaalada Paris dalka Franiiska, ayaa maanta waxaa ku tartamay final koobka Rafael Nadal oo numbar-ka 2aad adduunka ka ah una dhashay Spain iyo Novak Djokovic oo number 1aad adduunka ka ah una dhasha Serbia.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6-0, 6-2, 7-5 oo guusha ku raacday Nadal.

PARIS, FRANCE – OCTOBER 10: Iga Swiatek of Poland celebrates after winning championship point during her Women’s Singles Final against Sofia Kenin of The United States of America on day fourteen of the 2020 French Open at Roland Garros on October 10, 2020 in Paris, France. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

Dhinaca gabdhaha waxaa finalka isugu soo haray gabar yar oo 19 jir ah oo u dhalatay Poland oo la yiraahdo Iga Swiatek kuna jirta kaalinta 54aad ee adduunka iyo Sofia Kenin oo Mareykan ah kuna jirta kaalinta 6aad ee addunka, waxayna uga badisay 6-4, 6-1 oo ku guuleysatay Iga oo u ah Grand Slam-kii ugu horeeyey.

Iga iyo Nadal ayaa urursaday adduun gaaraya min 1,6 million euro.
Sofia iyo Djokovic ayaa iyaguna horey u sii qaatay min 800 kun euro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: