Wararka

Dhakhtarka Trump ayaa sheegay in Trump uusan dadka kale u gudbineyn Virus-ka corona…

President Donald Trump’s physician, Dr. Sean Conley, accompanied by other medical staff members, briefing reporters outside of Walter Reed National Military Medical Center in Bethesda Md., on Oct. 4, 2020. While Trump did not have to worry about the costs of his care, many Americans who have been ill with COVID-19 face large medical bills. (Anna Moneymaker/The New York Times)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la shageeyaa in haatan laga bilaabo uusan fayraska corona dadka kale u gudbineyn, waa sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ee Aqalka Cad.

Warbixintan Dr. Sean Colney ee ku aaddan caafimaadka Trump ayaa ah warbixintii ugu horreysay tan iyo khamiistii.

Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad.

Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska corona u gudbin karo dadka ka dib 3 maalmood uu isbitaalka ku jiray.

Warbixinta dhakhtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo fayraska.

Hase yeeshee warbixinta laguma sheegin in gabi ahaanba xanuunka Covid-19 laga waayay madaxweyne Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: