Wararka

Guddoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose oo xilka laga qaaday mid kalena la magacaabay…


Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Cumar Qaasim (Ibraahim Carab).

Wasiirka ayaa wareegto Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye ugu soo magacaabay Aweys Cabdullaahi Cumar (Aweys Buulalow).

Wasiirka ayaa waxa uu faray Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye in si daacada uu waajibaadkiisa u guto.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye, Ibraahim Carab ayaa xilkaasi loo magacaabay 2-dii bishii November ee sanadkii 2019.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: