Wararka

Kim Jong-Un ayaa sheegay in uusan ruux uga dhicin cudurka caalamka aafeeyey ee Covid-19…


Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un oo xalay khudbad ka jeedinayay dabaaldegga 75-sano guurada xisbiga shaqaalaha dalkaasi maamula ayaa sheegay in uusan ruux uga dhicin dalkiisa cudurka caalamka dhan hareeyay ee COVID-19.

Dagaabdeggan oo loo soo agaasimay sida qaab bandhig awood ciidan ayaa lagu soo bandhigay hub casri ah oo uu dalkaasi sameystay, iyadoona kumannaan ciidan ah ay garbaha isku hayeen iyagoo aan xirneyn wax maaskaro wajiga ah.

“Waxaan ka mahadcelinayaa in uusan ruux inooga dhicin COVID-19″, ayuu khudbadda ku yiri Kim.

Waxa kale oo uu sheegay Kim in uu caafimaad u rajeynayo dadka kale ee daafaha caalamka ku nool kuwaas oo la tacaalaya cudurkaasi.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sideed bilood ka hor xuduudeheeda xiratay kadib markii uu cudurkaasi ka dillaacay dalka dariska la ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: