Wararka

Wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Mogadishu ayaa la sheegay inay xiran…


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay xiran yihiin wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Caasimadda Muqdisho.

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada qaarkood, iyagoona u diidaya inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in wadooyinka ay mari karaan oo keliya gaadiidka ay la socdaan Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda.

Shacabka reer Muqdisho ayaa saaka waxaa lagu arkayaa wadooyinka iyagoo lugeynaya, isla-markaana lug ku tagaaya goobahooda shaqada.

Ma cadda sababta saaka loo xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood, maan jirto wax wara oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: