Wararka

Guddi QM ka tirsan ayaa sheegay in al-Shabaab ay malaayiin dollar ka hesho canshuuraha…


Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in kooxda al-Shabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guddi khubaro ka socda Golaha Ammaanka oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab gudaha u galeen dekedda Muqdisho, iyagoo si hoose u qaata canshuuraha badeecadaha.

Guddiga warbixintan soo saaray ayaa dhaleeceeyay Dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaaddo tillaabooyin ay ku casriyeyneyso bangiyadeeda si kooxaha sida Shabaab ee cunaqabateynta saaran aysan uga faa’iideysan daciifnimada nidaamka.

“Adeegsiga Al-Shabab ee nidaamka bangiyada wuxuu awood u siinayaa in si dhaqso ah loogu gudbiyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Muddadii warbixinta lagu jiray, laga soo billaabo December illaa iyo August, qorayaasha warbixintu waxay heleen caddeyn muujineysa in Al-Shabaab ay u soo xarootay dakhli dhan 13 milyan oo doollar.

Qiyaastii $2.4 milyan kamid ah lacagtan waxaa la sheegay in ay kasoo xarootay kantaroolada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose, halka $5.8 milyana laga soo aruriyay dekedda Kismaayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11855 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: