Wararka

Maxkamada CQS ayaa xabsi daa’in ku xukuntay labo nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin…


Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi daa’in ku xukuntay labo nin oo katirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir.

Labadaan nin ayaa lagu eedeeyay inay ahaayeen Horjooge iyo Darawalkiisa oo Al-Shabaab uga shaqeyn jiray gobolka Shabeelada Dhexe, iyagoo ka qeyb qaaatay weeraro dhiig ku daatay oo lagu qaadday Ciidamada Dowladda.

Maxkamada waxay sheegtay in lagu qabtay weerar lagu qaaday Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen inta u dhexaysa Deyniile iyo Basro iyaga oo dhawaac ah, bishii November Sanadkii tegay.

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa lagu sheegay inuu ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad. Waxaa uu qirtay in uu qeyb ka ahaa weerar ku qabsaday gobolka Shabeelada Dhexe, oo lagu qabtay isaga iyo saaxiibkiis.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: