Wararka

Wasiir Cawad iyo James Swan ayaa ka wadahadlay arrimaha iskaashiga QM iyo Somalia…


Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa warbixin ka siiyay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka, dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka

“Ergayga Qaramada Midoobay ee soomaaliya, James Swan, waxa sharaf u ahayd in uu maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Qaramada Midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jirta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: